Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo dhaliishay doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug

Maamulka Ahlusuna ee goballada dhexe ayaa ka hor-yimid doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeennada Golaha Baarlamaanka Galmudug ee shalay ka dhacay Cadaado.

Gudoomiyaha Talada Ahlusunna, Sh. Cumar Sh. C/qaadir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashadii shalay ay ahayd mid nasiib-darro ah, isla markaana aan loo dhameyn.

“Doorashadii shalay Caadado ka dhacday waxay ahayd mid nasiib-darro ah, waxaan u aragnaa inay tahay mid shacabka lagu lug-goynayo, adduunka oo dhan ayaan u sheegnay arrintaas. Shirka Cadaado wixii kasoo baxay annaga shaqo kuma lihin,” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Sidoo kale, guddoomiyaha Ahlusunna ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay afduubtay shirkaas, ayna la wareegeen xuquuqdii ay lahaayeen dadka deegaannada maamulka loo sameynayo.

purchase depakote, purchase clomid. “Waxaa shirka marin-habaabisay Dowladda Somalia ka talinaysa, iyada ayaa afduubatay, anaga lama shaqeyn doonno maamulkaas, Ahlusunnana xubinna kama ah, waana waxaan diidannahay in masiirkii ummadda dad gaar ah ay maamulaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Golaha-talada Ahlusunna Waljameeca.

Ugu dambeyn, Sheekh Cumar Sh. C/qaadir ayaa sheegay in arrinta kale ee ay sida aadka ah uga soo horjeedaan ay tahay in beel-beel loo Qayb-saday Maamulka Gal-mudug ee lagu dhisay cadaado. Isagoo xusay in iyaga ay ka madax-bannaan yihiin arrimahaas ayna taageerayaan in wax lagu qaybsado hab cadaalad ah.

You must be logged in to post a comment Login