Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Al Shabaab oo dhaliilay dalalka Turkiga iyo Emirate-ka Carabta

Ururka Al Shabaab oo ka dagaalama dalka Somaliya, ayaa dhaliilay dalalka Turkiga iyo Emirate-ka Carabta, xilli taageero ay siinayan Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Somaliya.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa dalalkaasi ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn doorkooda ku aadan dalka iyo dadka Somaliyeed.

Afhayeenka, ayaa waxa uu ka digay inaanan lagu kadsoomin doorka dalalkaasi, lagana fogaado, isagoona tilmaamay in ujeedkoodu uu yahay inay kala qaybiyaan dalka Somaliya, sida uu yiri.

Wuxuu soo hadalqaaday waxa xilligan keenay inay taageero u fidinayan Somalida, xilli uu qeexay Somaliya inay muddo fog dhibaato ku soo jirtay, waxa uuna su’aal ka keenay waxa mudadaasi dheer loo waayay gurmadkooda.

Cali Dheere, ayaa dalalkaasi ku eedeeyay inay kalkaaliye-yaal u yihiin sida uu yiri Gaalada, isla-markaana ay qayb ka yihiin duulaanka lagu haayo Somaliya.

Silvitra tab without prescription, Zoloft reviews. Wuxuu ku hanjabay inaanay gacmaha ka laaban doonin dalalkaasi, ilaa iyo inta ay qayb ka yihiin sida uu sheegay dhibaatada lagu haayo dalka Somaliya.

Turkiga waa dalka ugu muhiimsan ee taageerada ugu ballaaran siiya Dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna Xukuumadda Muqdisho ka caawiyaa dib u soo celinta billicdii Caasimadda, dhismaha ciidamada qalabka sida, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.

You must be logged in to post a comment Login