Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka suxufiyanta qaranka Soomaaliyeed oo Somaliland ugu baaqday sii deynta wariye Lascanod ku xiran

Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa war ka soo baxay lagu cambaareeyay xarig maalintii shalay loo geystay wariye ka howlgalayay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Wariyaha oo ay xireen ciidamo hoostaga maamulka Somaliland ayaa baaq loogu jeediyay in ay sii daayaan.

Guddoomiyaha NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in ay ka codsanayaan Somaliland in sida ugu dhaqsiyaha badan dib xuriyaddiis ay u siiyaan wariye Faysal Jaamac Aadan.

“Masuuliyiinta Somaliland waxay ugu baaqaysa NUSOJ inay sii daayaan wariyaha ku xiran Laascaanood oo u shaqeynayay Idaacadda Barkulan” sidaasi waxaa lagu yiri war ka soo baxay NUSOJ.

Maamulka Somaliland ayaa inta badan cunaqabateeya saxafiyiinta ka howlgala deegaannada uu maamulo oo runtii uu ku qasbo in rabitaankiisa ay ku shaqeeyaan.

You must be logged in to post a comment Login