Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Culus Xaalka Xasan Daahir oo wali cakiran iyo xaaladda oo quus taagan (Wararkii Ugu Danbeeyay)

Wali waxaa xabsi ku jira wadaadka caanka ku ah dagaal diimeedka ee Xasan Daahir Aweys,waxaana muuqata in Beelaha Hawiye qaarkood ay doonayaan in la soo daayo Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Fadaraalka Somaaliya.

Beelaha doonaya in Xasan Daahir la soo daayo waxaa kamid ah Beesha Habar gidir uu isagaka soo jeeda,iyo qaarkamid ah Beelaaha Mudulood oo doonaya in Xasan Daahir Xorriyadiisa dib loo siiyo.

Kadib markii Beesha Habar gidir ay quusatay ayaa waxaa Madaxweynaha u tagay oo kulan la qaatay Beesha Mudulood oo Madaxweynaha weydiiyay Su’aalo dhowr ah oo ku aadan Arrinta Xasan Daahir Aweys.

Hayeeshee Kulankaas ayaa Natiijo la’aan ku soo dhamaaday kadib markii Madaxweynaha uu Shuruud ku xiray siideynta Xasan Daahir Aweys ,waxaana Shuruudahaas kamid ahaa in Xasan uu arrintii hore ka soo laabto Islamarkaana uu lahadlo Saxaafadda Shacabka iyo dowladana uu Cafisweydiisto,lkn Madaxeynaha ayaa yiri “Wadaadka waxaa uu wali ku adkeysanayaa in uu siiwadaayo dagaalkiisa,islamarkaana uu ka soo horjeedo Ciidanka Nabad ilaalinta”

Ariinta ayaa noqotay mid natiijo la’aan ah Odyaashiina Madaxweynaha waxaa ay ku tilmaameen mid Madax adag ,waxaana ay dib ugu laabteen Odyaasha Beesha Babar gidir oo Madaxweynaha u xanaaqsan.

You must be logged in to post a comment Login