Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR DEG DEG AH:- Dagaal culus oo haatan ka qarxay magaalada Kismaayo iyo kala carar ka jira magaaladaasi.

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconaayo dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maleeshiyaad ku wada sugan magaaladaasi.
Dagaalkaan ayaa ka bilawday xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi la isku adeegsanaayo hub aan caadi ahayn.
Dagaalka ayaa kusii faafaaya xaafado badan oo ka mid ah magaaladaasi, waana mid ku bilawday sida la sheegay gaadiid la kala dhacay, iyadoona xaaladda ay aad u qasan tahay.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, waxaana dagaalka uu yahay mid aad uga sii daraaya.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

somalinimo1com
Kismaayo, Somalia
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login