Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Deg Deg Ah Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo Caawa ku qarxay Muqdisho iyo Masuul ku dhintay Qaraxaasi

nin_is_qarxiyey
Waxaa Caawa Salaadii Cisho kadib Isgooska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogan oo la tilmaamay in uu ahaa mid gaari loogu soo xiray Gudoomiyhii hore ee Deegaanka Lafoole.

Goob joogayaal ayaa kuwaramay in qaraxa uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee Degmada Hodan iyadoona qaraxa uu ahaa mid aad u xooganaa oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Gaariga la qarxiyay waxaa watay kuna geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Deegaanka Lafoole Cabdullaahi Jaamac Siyaad (Jabeey) waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale uu ku jiray Askari ilaalo u ahaa Masuulka la qarxiyay.

Qaraxa kadib ayaa laga kala cararay Isgooska Tarabuunka oo xiligaasi ahaa mid mashquul ah waxaana goobta xiray oo rasaas kor u ridayay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa isgooska Tarabuunka uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Dowlada oo ku aadan Qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho , sidoo kale wali ma jirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxaasi.

You must be logged in to post a comment Login