Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka aan hada ka heleyno Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ee kusoo dhacday diyaarad ilaa hada aan la ogeyn waxa ee tahay.
Diyaarada ayaa kusoo dhacday meel Qiyaastii 4-Km ujirta Deegaanka Buulo Mareer oo lagu Magacaabo Beeraha Doonshaha waxaana lagu soo waramayaa in Diyaaradu marka ay soo dhacady ee durba gubatay.
Holac iyo Uuro ayaa wali Diyaarada soo dhacady ka baxaya , waxaana gabi ahaan hareeyay halka ee Diyaaradu kusoo dhacday Dagaalyahano badan oo katirsan Al-Shabaab ayaa dadku u diiday dhawaadaan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaarada soo dhacday waxa ee tahay Goob joogayaal ayaa sheegaya in Diyaarada ay tahay mid lasoo riday oo nuuca Basaaska ah inkastoo aan warkaasi si toos ah loo hubin.
Lama oga Diyaarada lasoo riday waxa ay rasmiyan tahay sidoo kale lama hayo qasaaro in ay ka dhasheen Diyaarada ay dad saarnaayeen , wararka ayaana sheegaya in Diyaarada Al-Shabaab soo rideen inkastoo aysan jirin War kasoo baaxy dhinaca Al-Shabaab.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
You must be logged in to post a comment Login