Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaalada magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose halkaas oo maanta uu ka dhacay dagaal gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan ayaa udhaxeeya ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil, waxaana uu ka bilowday saakay duleedka Marka.
Waxaa jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabdulqadir Sheikh Mohamed Siidi.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawac ahaan isbitaalka loogu qaaday sargaal katirsan Militeriga Soomaaliya kaas oo ay haleeshay rasaas kamid ah kuwii la isweydaarsanayay.
Hadaba Maxey yihiin dhinacyada dagaalamay? maxaase keenay dagaalkan? maxaa xiligan kusoo aadiyay in qabiil iyo ciidan ay dagaalamaan.

You must be logged in to post a comment Login