Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo Baardheere iyo fariisimo cusub oo ay sameysteen Ciidamada Huwanta

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay galabta fariisimo ka sameysteen Xeradii Militariga Muuri, oo 4km oo keliya u jirta Galbeedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Tani waxay ka dambeysay markii Ciidamada Huwanta ay dib kaga soo baxeen xaafadaha Galbeedka Baardheere, oo 2-dii duhurnimo ee maanta ay bilaa dagaal kula wareegen.

Taliska Amisom, ayaa la soo sheegayaa in amar uu ku bixiyay in Ciidamada Huwantu ka baxaan Galbeedka Degmada, illaa iyo inta Ciidanka Militariga Itoobiya ka soo gaarayan Bariga Baardheere.

Ciidanka Itoobiya oo ka tirsan Amisom, ayaa waxay galabta soo gaareen deegaanka Qalcadda, oo 15km u jirta Bariga Degmada Baardheere. Ciidankan waxaa la qorsheeyay inay iyagu qabtaan Bariga Degmadaasi.

Maalinta berrito ah, ayaa waxaa la fillayaa inay si buuxdo ula wareegan labada qaybood ee Degmada Baardheere, si ay u hantaan gacan ku haynta Degmadaasi, isla-markaana ay kaga sameeyan tallaabooyin ay amniga ku xaqiijinayan. Viagra Super Active no rx, order dapoxetine.

Waa gulufkii ugu xooganaa oo lagu qaado Shabaabka Baardheere, ka dib muddo sideed sano ihi oo ay gacanta ku hayeen Degmadaasi.

You must be logged in to post a comment Login