Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin: Al-shabaab imisa Kenyaati ah ayey dileen tan iyo 2012-kii (Akhri)

Silfar online, purchase Zoloft. Warbixin lagu soo daabacay wargeyska The Daily Nation ayaa lagu faahfaahiyay tirada Kenyaatiga looga dilay weerarada Alshabaab ka geysteen dalkaasi Kenya inta u dhexeysa sanadkii 2012=kii ilaa 2015 oo hada lagu jjiro.
Wargeyska wuxuu sheegay in xoogaga alshabaab ay dileen 5 boqol ruux oo kenyaati ah 150 weerar oo kala duwan tan 2012-kii iyadoo shabaabku u celceliyeed inay sii wadi doonaan weerarada inta ciidamada Kenya ku sugan yihiin ciida Somalia.
Magaalooyinka Nayroobi,Madhera iyo Gaarisa ayaa dadkaani lagu laayay haba ugu sii badnaato Magaalada Mandheera oo weerarada ugu badan ay ka dhaceen.
Wargeyska wuxuu daabacay intii u dhexeysay Janaayo 2012 iyo December 2014 in weeraro alshabaab soo qaadeen lagu dilay 312 ruux kuwaasoo 113 ka mid ah lagu dilay Nayroobi gaar ahaan weerarkii westgate,Sidoo kale 68 waxaa lagu dilay weerar kale oo ka dhacay Mandhera,halka Lamu sidaas oo kale lagu dilay 67 ruux.
The Daily Nation wuxuu soo bandhigay magacyada ilaa 9 ruux oo alshabaab kudileen Magaalada Mandhera waxaana ay kala yihiin magacyadaasi sidan:
1-Mohammed Gabow Takoi
2-Mohammed Mohamud Ibrahim
3-Abdulahi Noor Maalim Aden
4-Abdi Ali Amed
5-Yusuf Abdirahim Ahmed
6-Muhamud Bare
7-Abdi Kuresh Maalim
8-Aden Abdulahi Aden
9-Abdi Ibrahim Yakub
Sidoo kale Magaalada Gaarisa oo dhawaan shabaabku weerareen Jaamacada Magaaladaasi ku magacaaban ayaa noqotay halka dadkii ugu badnaa ay ku dhinteen waxaana inta la diiwaan geliyay ku dhimatay 148-qof .
Ugu danbeyn shalay oo u danbeysay Mandhera waxaa lagu dilay 14 ruux oo aha shaqaale kenyaati ah oo ka howlgalayay kaawada dhagaxa laga qodo.

You must be logged in to post a comment Login