Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin culus, Shacabka waa danleey, Al-shabaabna waa daneysato,dowladana waa dan magarato

Waxaa laaga yaabaa markaad aragto ciwaanka warbixintaan in durba maskaxdaada aad wax kale ku mashquuliso, laakiinse waxaan uga hadleenaa waxa hadda dalka ka taagan iyo sida lagu kala maan wareersan yahay.
Hadaan ku bilawno uljeedka warbixintaan waa mid aan ku doonayno in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan wax walba oo jira iyo sida lagu kala mashquulsan yahay.
1- Shacabka waa danleey.
Waa run shacabka waa danleey, waxaana ay doonayaan inta ay ifka ku nool yihiin inay helaan nabad raaxo badan leh, iyo sidoo kale nabad waarta.
Shacabka waxay doonayaan inay wax la qeyb sadaan qeyrkooda caalamka ee dhaafay, waxaana ay doonayaan inay helaan dantooda ah Soomaaliya oo nabad ah cadowna laga xureeyay.
2- Al-shabaabna waa daneysato.
Waxaan filaayaa inayan jirin cid moog in Al-shabaab ay daneysato tahay sababtuna waxay tahay hadii dan kale ay eegeyso ma aanay sameeyeen waxa ay hadda sameeyaan.
Maxay ka sameeyeen Leerar laamiga lagu ifiyay markii ay qarxinaayeen, maxayse shacabka u qarxinaayaan hadii aanay dan lahayn.
In ay daneestaan waxaa daliil kugu ah uma turaan shacabka meelaha ay joogaan ama meelaha aysan joogin intaba, cidii ay arkaan eedeen bay dusha u saaraan ka dibna wey dilaan sidaas ayeeyna daneestayaal ku noqdeen.
3- dowladana waa dan magarato.
Dowladda Soomaaliya hadda danteeda iyo danta shacabka ma garato, waayo hadii ay garan lahayd xabsiyada shacab aan waxba galabsan laguma xaabiyeen Al-shabaabna intay wax qarxiyaan magaalada kuma dhex mushaaxeen.
Dowladda hadii ay danta garan lahayd, shacabka ayee saaxiib la noqon lahayd amaankana way ka baryi lahayd inay kala shaqeeyaan.
Hadii ay danteeda garaneyso inta la qarxiyo marwalba hadana ma aanay dhihi lahayn mar kale waxaan lama sameen doono oo waan kahor tageynaa.
somalinimo1.com
Muqdisho, Somalia
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login