Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixinta cusub ee kismaayo.

Warbixinti WHO ay ka bixisay dadkii ku dhintay magaalada kismaayo oo ay ku sheegtay in ay ahayeen 70 dhimasho ah iyo dhaawaca oo inta ka badan waa inta hal dhinac ka dhimatay oo kali ah.
Dhimashadu waxay kor u dhaaftay 120 shacbiga ah iyo 70 ciidamadii is dirirayay oo ay qeyb ka ahayeen kuwi nabadsugidda laga filayay ee Amisom.
Waxaa intaa kasi daran dadka shacabka deeganka ah oo loo dilayo qabiilka ay ka soo jeedaan awgeed.Waxaa ka socda Kismaayo falal ad u fool xun oo lagu dilayo nin-doorka qaba’ilka aan Kablalax ahayn si inta kale ee qabaa’ilkaa ihi ay u barakacaan.
Waxaa bakhaarkiisa dhexdiisa lagu dilay ganacsade caan ahaa oo ka ganacsan jiray magaalada Kismayo tan iyo 1980 laba maalmood ka hor.
Waxaa maantana si qorsheysan loo dilay sedex nin oo kala heyb ah oo iyaguna ahaa rag magac ku lahaa bulshada Kismaayo dhexdooda kuwaas oo loo dilay muxuu Ebe uga dhaliyay reerka ay ka dhasheen iyo in ay cararaan inta kale ee waxgaradka ah ee aan ahayn isbahaysiga Raskambooni iyo Puntland .
Waxaan ka codsanayna kuwa falalkaas wada in ay joojiyaan waxa ay wadaana guul laguma gaarayo

You must be logged in to post a comment Login