Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin:Taariikhda Cakiran ee Magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose

Taariikhda Kismaayo waa mid dhibaato iyo murugo badan xanbaarsan, waxay leedahay muhiimad siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo waliba mid istiraatiijiyadeed, waxaana marka laga hadlayo magaalooyinka xaalkooda adagyahay lala bar bar dhigaa magaalooyinka Muqdisho & Gaalkacyo, xiligana waaba kasii durugsantahay intaasi oo waxay udun cusub ku tahay doowlada Soomaaliya.
Laaikiin marka aad Taariikh ahaan dib u raacdo waxaa kuusoo baxaya In Kismaayo ay qal qal galin karto midnimada hay’adaha doowliga ah ee Soomaaliya.
Markii ay doowladii hore bur burtay 1991-kii, Kismaayo waxaa sida magaalooyinka kale ay ku dhacday gacan cidlo ah, waxaa ku kor dagaalamay qabaa’ilo iyo hogaamiyo kooxeedyo kala duwan, labada dhinac ee sida weyn ugu dagaalamay waxay ahaayeen Korneyl Axmed Cumar Jees, oo katirsanaa isbahaysigii SNA iyo Xulufo uu horsed ka ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan.
Horaantii Sanadkii 1993-dii Kismaayo waxay halis u noqotay bur burka shirkii dib u heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socday magaalada Addis Ababa, ee dalka Ethiopia, kadib markii taageerayaasha Jen Morgan ay soo galeen magaalada ayna ka saaareen kuwii Korneyl Cumar Jees.
Hogaamiyihii SNM Jen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa ku hanjabay inuu shirka kabaxayo, howlgalka QM ee Soomaaliya UNISOM, ayaa Ciidankooda gacanta ku hayeen ayaa markaas ku dhaqaaqay tallaabo ineey soo galaan kaga mamnuucayaan hagaamiyayaasha Jen. Morgan Iyo Cumar Jees.
UNISOM, waxay dadaal weyn u gashay ineey maamul u samayso Magaalada Kismaayo iyo gobolka Jubada Hoose, waxay magaalooyinka Kismayo iyo Nairobi ku qabatay shirar kala duwan, ugu danbeyna waxaa sanadkii 1994-kii ku guuleysteen ineey isku keenaan 19 beelood oo daga gobolkaasi, kuwaasoo heshiis ku saxiixay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, heshiiskaasi maraagin, sababtoo ah sanadkii xigay 1995-tii waxaa Soomaaliya isaga soo baxayUNISOM, magaalada Kismaayana waxaa dib ula wareehay Ciidamadii jen. Morgan.
Sanadkii 1999-kii, magaalada Kismaayo waxaa qabsaday isbahaysi cusub oo lagu magacaabo “Isbahaysiga Dooxada Jubba” oo uu hogaminayay Korneyl Bare Aadan Shirre “Barre Hiiraale”, kuwaasoo magaalada ka talinayay ilaa iyo inta ay soo baxayeen isbahaysigii maxkamada Islaamiga oo magaalada qabsaday Sebtember 2006.
Maxkamadaha ayaa iyagana magalada waxaa ka saaray Ciidamadii Ethiopia ee taageerayay kuwa doowlada Soomaaliya, bishii January 2007-dii, sanadkii xigay ee 2008, gaar ahaan bishii Sebtember magaalada waxaa qabsaday Xarakada Al-shabaab, sanadkadibna waxaa magaalada ku kor dagaalamay Al-shabaab iyo ururuka Xisbul-islaam, waxaana bishii December ee 2009-ka magaalada laga saaray ururkii Xisbul-islaam, oo uu hogaaminayay Axmed Madoowe.
Alshabaab ayaa magaalada ka talinaayay mudo 4 sano.
Bishii October ee sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Kismaayo laga saaray Al-shabaab, waxaana magaalada qabsaday Ciidamada Kenya, Raaskanbooni iyo kuwa doowlada Soomaaliya.
Hadaba qabsashadan ugu danbeysay ee Kismaayo waxaa daba socday qorsho ballaaran oo loogu talagalay xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab.
Sanadkii 2011, ayaa shir kadhacay magaalada Addis Ababa, waxaa qorshahaan kawada hadlay madaxda doowladaha urur Goboledka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto, waxaana lasoo saaray gudi gaar ah oo bisleeya qorshahaan, gaar ahaan qaybtiisa ku saabsan maamul u samaynta Jubooyinka.
Ugu danbeyn qorshahaan waxaa la dardar galiyaya qabsashadii magaalada Kismaayo kadib, waxaana uu dhigayay in ergooyin matala beelaha iyo dhinacyada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ku kulmaan magaalada kismaayo, qorshuhu waxa uu dhigayay in ergooyinkaas ay soo xulaan golo baarlamaan oo kadibna soo doorta madaxweyne uu yeesho maamul Goboleedka Jubba land.
28-kii bishii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada kismaayo ka furmay shirkii ugu horeeyay ee qorshahaan lagu fulin lahaa waxaase ku gacan seyrtay doowlada Soomaaliya oo qorshahaan intiisa danbe aan lasocon,Doowlada ayaa shirkaas ku tilmaamtay mid aan dastuurka waafaqsaneen

You must be logged in to post a comment Login