Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warqado DIGNIIN oo lagu daadiyay Degaanka HALGAN ee gobolka

Dadka ku nool Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan laga saaray Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in Al-shabaab ay Degaanka ku Daadiyeen Warqado Hanjabaad ah.

Muuse Maxamed Rabaac oo kamid ah Odayaasha Degmada ayaa sheegay in Magaalada Gudaheeda lagu daadiyay Warqado Digniin ah oo ay ku qoran yihiin Cidii la shaqeysa ama soo dhaweysa Ciidamada Itoobiya Talaabo ayaan ka qaadeynaa.

Warqadaha ayaa waxaa ku sawiran Calanka Al-shabaab sida ay ku warramayaan Dadka Degaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan.

Cialis Soft for sale, Zoloft withoutprescription.

Cabsi Xoogan ayaa soo foodsaartay Dadka ku nool Halgan,kuwaas oo ka Cabsi qaba in la beegsado,maadaama ay kamid yihiin Dadka Degaanka oo aysan Magaalada ka qaxin.

Degaanka Halgan Ciidamada Itoobiya oo dhawaan la wareegay ayaa la sheegay in ay ku dileen Ilaa  6 Qof oo Shacab ah,kuwaas oo la sheegay in ay Gaari kala dageen.

 

You must be logged in to post a comment Login