Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WARSAXAAFADEED:-Ra’iisul wasaare Saacid oo Ka Tacsiyeeysay Geerida Danjire Sayid Shariif

Tacsi Qaran

Aniga oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon (Saacid) iyo dhamaamba Xukuumadda waxaan maanta tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Koofurta Afrika Marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi.

Danjire Sayid Shariif waxa uu xalay ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika, wuxuuna ahaa mas’uul u taagan Dawlada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo howlkar ah, in muddo ahna u soo shaqeynayay dawladda Soomaaliyeed, haatana u matalayay dalka Koofur Afrika.

“Geeridu waa xaq qof kastana waa dhimanayaa, waxaanse aad uga naxay geerida Sayid Shariif, maadaama uu ahaa shaqsi wanaagsan oo howlkar ah, isla markaana matilayay Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

You must be logged in to post a comment Login