Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaarada arimaha dibada Soomaaliya oo wax aan micna laheyn kasoo qaaday bixitaanka ciidamada Ethiopia.

Wasiirka arimha dibada Soomaaliya, Fooziyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxa ay ka hadashay fikirkeeda ku aadan dib u gurashada ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Soomaaliya.

“ Soomaaliya iyo Dawlada Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah ,mida kale ciidamo meel kaguuray meel kalana aaday wax micno ah masamaynayaan. Ciidamada Ethiopia hada way joogaan xiligay diyaar u noqdaana way bixi karaan. Dhib yaan loo arkin taa. Soomaalidu way horumareysaa”, sidaas waxaa yiri marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka arimaha dibada iyo Iskaashiga Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ee ku aadan inaysan macno sameyneyn bixitaanka ciidamada Ethiopia ee kusugan gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xili Xukuumada Addis Ababab ay ku dhawaaqday inay ka baxayso qaybaha ay kaga sugan tahay koonfurta soomaaliya.

Ciidamada Meteriga Ethiopia waxa ay ka bexeen Magaadalada Xudur ee gobalka Bakool, waxa ayna ku hanjabeen in gobalka Baayna ay ka baxayaan arintaas oo abuurtay walaac baahsan.

You must be logged in to post a comment Login