Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay Degmada Mandheera ee dalka Kenya

Xoogag hubeysan, ayaa waxay xalay weerareen halka loo yaqaano Suuqa Xoolaha ee Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxayna ku dileen in ka badan 10 qof.

Dadka la dilay, ayaa ahaa kuwo dhegxaanta jebiya. Dadkaasi ayaan Soomaali ahayn oo waxaa la soo sheegayaa inay yihiin dadka kale ee dalka Kenya u dhashay.

Ka hor inta aanu weerarku dhicin, ayaa waxaa 1-dii habeenimo ee xalay Degmada Mandheera laga maqlay laba qarax oo waaweyn, waxaana xigtay rasaas laga maqlay Suuqa Xoolaha.

Xuseen Buulo Xaawo oo ka mid ah dadka ku nool Degmada Mandheera, ayaa sheegay xilligii dambe ee xalay inay maqleen qaraxyo is xig xigay, ka dibna ay ku xigtay rasaas.

Xuseen Buulo Xaawo oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay dadka la dilay in billo ka hor isaga taggeen halkaasi, laakiin ay mar dambe dib ugu soo laabteen, waayo waxay ku haysteen buu yiri shaqo fiican.

Apcalis SX Oral Jelly for sale, buy clomid. Dadkaasi waxay ahaayen kuwa keliya ee jebiya dhegxaanta Degmada Mandheera. Dhegxaantaasi ayaa ah kuwa qura ee dhismooyinka looga sameeyo Degmadaasi.

Ciidanka Booliska Kenya oo goor dambe gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay weli ku sugan yihiin. Lamana soo sheegin cid ay weerarkaasi u soo qab qabteen.

Sanadkii hore, ayaa dad fara badan oo Kenyan ah waxaa lagu laayay duleedka Degmada Mandheera. Dadkaasi ayaa shaqadoodu ahayd jebinta dhegxaanta.

Wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, bishii October ee sanadkii 2011-ka, ayaa waxay Kenya wajaheysay weeraro kaga imaanaaya Ururka Al Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login