Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar lagu qaadey Ciidamada Ethiopian ah oo sahay gudbinayey Gobolka Bakool

Sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Gobolka Bakool waxaa dagaallo u dhexeeya Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM iyo Al Shabaab ay ka dhaceen deegaanno hoostaga Gobolkaas Bakool. buy sildenafil, acquire lioresal.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo ka soo ambabaxay Degmada Rabdhuure kuna sii jeeday degmada Waajid ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab kaas oo ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Qoodaan.

Ilo deegaanka ah oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid soconayay muddo saacado ah islamarkaana ahaa mid xoogan.

Ciidamada Ethiopia ee la weeraray ayaa sahay u siday Ciidamo kale oo ku sugan degmada Waajid, waxaana wararku intaas ku darayaan in Isgaarsiinta ay aad u xuntahay aana suura gal ahayn in xaaladda dhabta ah la ogaado walow la soo warinayo in khasaaro labada dhinac uu jiro.

You must be logged in to post a comment Login