Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad lagu soo dhaweynayay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Canada (SAWIRRO)

Xaflad lagu soo dhaweynayay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Canada

Arbaco, Oktoobar 3, 2013 — Xaflad si wanaagsan loo soo abaabulay laguna soo dhaweynayo ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa lagu qabtay magaalo madaxda dalka Canada ee Ottawa.

Xafladdaan ayaa waxaa ka qaygalay saddex xildhibaan oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi ee ugu waaweyn dalka Canada oo badanaaba aan shirarka ku wada kulmin siyaasadahoodana ay kala duwan yihiin. Iyadoo xildhibaanadan ay hadallo ka jeediyeen halkaas.

Xildhibaanadaas oo kala ah Paul W. Dewar oo ka socday xisbiga NDP-da, David McGuinty oo ka socday xisbiga Liberal-ka iyo TED OPITZ oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa laga soo wada doortaa xaafado ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Xildhibaannadii ka socda xisbiyada siyaasadeed ee dalka Canada oo iyaguna ka hadlay kuanka ayaa sheegay inay garab-taagan yihiin Soomaaliya ayna ka shaqeynayaan sidii looga caawin lahaa wixii ay u baahan yihiin.

“Dowaldda waxaa ka go’an inay doorashooyin dalka ka hirgeliso, mana dhici doonto inay muddo kororsi dalbato sidii horay u dhici jirtay,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiyo oo hadal ka jeedisay xafladda.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ku nool ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee qayb lixaad leh ka qaadan kara dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ku boorrisay inay ka qaybqaataan dib u dhiska.

Hiiraan Online oo wasiiradda weydiisay su’aal ahayd sababta safiir loogu soo magacaabi waayay Canada ayaa waxay sheegtay in hadda safaaradda Soomaaliya ee Washington laga sii maamuli doono, balse ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo magacaabi doonaan safiir ama danjire.

You must be logged in to post a comment Login