Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xarunta Afka Soomaaliga

Dhagax-dhigii Akadeemiyo Goboleedka afka Soomaaliga ee 21-feb-2015-kii laga taaba galiyay magaaladda Muqdisho waxay ahayd GUUL CAALAMI ah oo 25-sano kadib u soo hoyotay Qaranka Soomaaliyeed, bud-dhiga Akadeemiyadaasi waxay astaan u noqotay soo laabashada Maqaamkii ay Soomaaliya ku lahayd beesha Caalamka, maxaa yeelay waa markii 1-aad ee lagu soo dhiiraday in Hay’ad Caalami ah laga dhiso gudaha gayigeena tan iyo waxii ka dambeeyay bur-burkii Soomaaliya.

Qiimaha ay leedahay darteed sees u qotominta Akadeemiyadaasi waxaa Soomaaliya u soo booqday una soo martiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Md Xasan Sheikh Maxamuud ay si wadajir ah u dhagax dhigeen xaruntii loogu tala galay in laga dhigo Akadeemiyadaasi si ay Muqdisho xarun ugu noqoto, khudbado ay labadda (2) Madaxweyne ka jeediyeen munaasabadii xiligaasi waxay ku cadeeyeen sida ay u jecel yihiin in Akadeemiyadaani Caalamiga ah ay u noqoto saldhigii Mataanayn lahaa shucuubta faraha badan ee ku hadasha afka Soomaaliga, kuwaasi oo ku kala firirsan wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo caalamka intiisa kale.

Xarunta Akadeemiyadaan oo ay magaalooyin badan doon-doonayeen in dhulkooda laga furo ayaa sababaha keenay in Muqdisho looga hirgaliyo waxaa ka mid ah Dadaalka, Garashada, Xilkasnimada, Biseylka, iyo Aragti dheerida hogaanka Akadeemiyadaasi, kuwaasi oo cadeeyay in Muqdisho ay tahay Hooyadii afka Soomaaliga sidaasi daraadeedna ay mudan tahay in iyada lagu abaal mariyo sidii looga dhisi lahaa xarunta dhexe ee Hay’adaasi.

Farxad, Ala-laas, iyo Sacabo furan ayaa lagu soo dhaweeyay in Soomaaliya lagu Talaalo xaruntii geed fadhiga u noqon lahayd afka Soomaaliga, dhabtii juhdi aad u fara badan ayaa loo soo galay sidii saldhigaan loo keeni lahaa caasimadda Soomaaliya, xaqiiqdiina waxaa la rumaysan yahay haddi lagu guulaysto furitaanka Akadeemiyadaani in ay wax badan ka badali doonto wajigii xumaa ee horey looga aaminsanaa Magaaladda Muqdisho iyo guud ahaan dalka intiisa kale.

Dhawr bilood ayaa ka soo wareegtay waqtigii la dhagax dhigay Akadeemiyaadan caalamiga ah, isku day lagu doonayay in horey loogu sii socodsiiyo ayaa la hakiyay, waxgarad badan oo la yaaban arintaan ayaa is-weydiinaya maxaa hor taagan dhismaha Akadeemiyaddii qiimaha u lahaan lahayd Qaranka Soomaaliyeed, fariimo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ee fadhiisanka u ah Madaxweynahii wax ka dhagax dhigay Akadeemiyadaasi ayaa lagu sheegay dhulkii loo hibeeyay Akadeemiyadaan in lagu wareejiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo Akadeemiyadana la siinayo dhismo kale oo uu Bangigaasi leeyahay, arintaan oo aan wali meelna u dhicin ayaa caqabad ku noqotay dhismaha xaruntii loo xiisaha qabay.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa haddana dhawr cisho ka hor Madaxweynahii wax ka Talaalay Akadeemiyada haatan u muuqata in la Xiddido siibayo Mudane, Xasan Sheikh wuxuuu mar kale dhagax dhigay Akadeemiyaddii kale ee Qaranka, nasiib wanaag Madaxweynuhu maalintaasi wuxuu qiray jiritaanka Akadeemiyada Caalamiga ah ee horey loo dhagax dhigay, balse sooma hadal qaadin isbaarada ay Madaxtooyadiisa u dhigatay deegaankii la siiyay Akadeemiyadaasi.

Ma xuma waana talaabo horey loo qaaday in dib loo agaagumo Akadeemiyadii Qaranka, taasi oo ka mid ahayd xarumihii ku bur-buray dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay, runtiina soo nooleynta Akademiyada Qaranka waxay xoojin u tahay Akadeemiyada Gobolka, hubaashiina labadda (2) Akadeemiyo waa kuwa is kaabaya oo aan kala maarmin, guushana waxay ku jirtaa In sida ugu dhaqsiyaha badan ay isula dhaqaaqaan, balse waxaa nasiib daro noqonaysa in madaxa looga sii taagnaado dhismaha Akadeemiyadii gaarsiisneyd heerka Caalami.

Horey u socod la’aanta la soo gudboonaatay Akadeemiyo goboleedkaan haddaan si deg-deg ah wax looga qaban waxay niyad jab weyn ku keenaysaa aqoonyahanadii u soo hiiliyay Muqdisho iyo wadaniyiintii Soomaaliyeed ee ku taamayay mar uun iney arkaan dagaaladii sokeeye kadib Soomaaliya oo xarun u ah Hay’ad caalami ah, Muqdisho waa lala soo jeclaaday iney saldhig u noqoto Akadeemiyadaan hase yeeshee haddii bulshada reer Muqdisho ay hanan waayaan masuuliyadaasi waa suura gal in dib wax la isaga weydiiyo arintaasi, waxaana dhici karta in isbadal uu ku yimaado niyad-samadii shallay Muqdisho loo siiyay xaruntaan isla markaana loo weeciyo Wadamo kale.

Caana daatay dabadoodaa la qaban jiray, shallay waxii dib u dhacay maanta waa la sixi karaa sidaasi awgeed si loo soo nooleeyo niyada inta samaha jecel waxaa dhamaanteen nala gudboon haddaan nahay Soomaalidii Muqdisho inaan u hawl galno ka dhabaynta Dhismaha, Taaba galinta iyo ku Shaqeynta xaruntaasi, si ay Magaalo madaxdeena uga soo dhalaasho Amaanadii la soo gudoonsiiyay.

ew Malegra for sale, lioresal without prescription. ws

You must be logged in to post a comment Login