Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sh oo si dirqi ah uga badbaaday weerar ay Alshabaab ku qaaday kolanyo uu la socday.

199118_515551155126607_16542944_n
Wararka Iminka Naga Soo gaaraayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ay Sheegayaan in Goloyo Baabuur ah uu la Socday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Saakay ka Ambabaxay Magaalda Muqdisho Lagu Weraray Deegaanka Buufow ee Gobolkaasi.
Dagaalka aya la sheegay inuu socday ku dhawad sedex saac kaas oo dhexmaray kolanyadii galibineysay Xasan Sh iyo cidamada Xarakada Alshabaab.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Mid kamid ah Gawaarida Gaashaaman uu la Socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay la Kacday Miino Nuuca Dhulka Lagu aaso.
Kadib Qaraxa Miino ayaa waxaa ay Goobta Noqotay Mid isku Badalay Dagaal Fool ka Fool ah oo Saacado Socday Sida ay Sheegayaan Ilo Wareedyo Halkaasi ku Sugan.
Qaraxa iyo Dagaalka Saacada Qaaday ayaa waxaa ka Dhashay Qasaaro dhimasho iyo Dhaawac Balse lama Cadeyn karo Qasaaraha Dhabta ah inta uu la Egyahay.
Wixii kusoo Kordhaa Kala Soco Wararkeena Dambe Insha Allah

You must be logged in to post a comment Login