Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheekh Oo Shil Diyuuradeed Ka Badbaaday

Madaxweynaha DF-ka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si dirqi ah uga badbaaday shil diyuuradeed xilli uu kusii jeeday magaalada Jubba ee wadanka Koonfur Sudan.

Maanta barqadii ayay diyuurad laga leeyahay dalka Kenya soo caga dhigatay garoonka diyuuradaha caalamiga Muqdisho waxayna qaadday Xasan Sheekh iyo xubno katirsan golaha wasiirada.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in diyuuradda iyada oo dhinaca ka gubaneysa 30 daqiiqo kadib dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho.

Intaasi kadib ayaa Qeybta Warfaafinta Madaxweynaha waxa ay billaabeen in ay Kaamirooyinka ka Uruuriyaan wariyaasha si aan wax Muuqaal ah looga duubin iyagoo qarinaya shilkaasi uu ka bad baaday Madaxweynaha.Markii la damiyay kadib ayaa Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ka soo daateen diyaaradda waxaana la arkaayay Madaxweynaha oo aaney wajigiisa Farxad ka muuqan oo gacmaha jeebabka gashtay , waxaana diyaaraddu taallaa iyadoo taayarada dambe ay baaba’sanyihiin gudaha Garoonka Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login