Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheikh Oo Go’aan Lama Filaan ah ka qaatay UniversalTv

Oct 6, 2015

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa go’aan cad ka qaatay wariyaasha Universaltv ee u xiran dowlada Soomaaliya ee kala ah Cawil Daahir Salaad iyo Claahi Xersi Kulmiye.

Madaxweynaya ayaa diiday inuu cafis u fidiyo wariyaasha Tv-ga waxaana uu sheegay in laamaha amaanka loo daayo xariga wariyaasha si ay xal buuxa kaga keenaan.

Wuxuu sheegay in wariyaasha ay xabsiga dhigeen laamaha amaanka sidaasi daraadeedna ay muhiim tahay in laga warsugo waxyaabaha kasoo baxa baaritaanada laamaha amaanka wadaan.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxa kulamo gaar gaar ah la qaatay waxgarad iyo dad u doodayay wariyaasha Universaltv laakiin wuxuu ku gacan seyray dalabkooda.

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo C/laahi Xersi Kulmiye ayaa la xiray jimchii lasoo dhaafay waxaana loo heystaa barnaamij Dood wadaag ah oo ka baxay taleefeshinkooda.

You must be logged in to post a comment Login