Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheikh oo Qarameeyay Maleshiyaadii A/Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 oo ka mid ahaa maleeshiyada Axmed Madoobe, kuwaasi oo laga dhigay ciidn qaran, islamarkaana qeyb ka ah barnaamijka heerka qaran ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidammadan oo ayaa waxaa muddo laba bilood ah uu tababar uga socday dugsiga tababarka militariga ee magaalada Kismaayo, waxaana ay hoos imaanayaan Saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

order Viagra Super Active online cheap, buy dapoxetine online.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay laf dhabar u yihiin amniga qaranka.

“Muhimadda koowaad ee barnaamijkan isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa weeyaan in la helo ciidan ka kooban Soomaali oo dhan. Tababarka iyo dhaarta aad halkan ku marteen waxay ka tarjumayaan in wixii maanta ka bilowda aad tihiin ciidan qaran, oo aadan ahayn ciidan beel ama gobol gaar ah ka socda. Ma tihiin wiilasha reer hebel, ee waxaad tihiin wiilasha qaranka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweynaha.

You must be logged in to post a comment Login