Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xassan Sheikh iyo Shirdoon oo wada Qorshe ay Faroole uga hor joogsanayaan Shirka Brussels.

Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegay in Xukuumadda Soomaalia ay aad uga carootay Warbixintii uu C/raxmaan Faroole dhawaan siiyay Warbaahinta oo ahaa in Shirka Brussels uga qeyb galaayo si gaar ah oo aan Dowladda hoos tagi doonin.

Mas’uulka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Rw Shirdoon ay wadaan qorshe ay ku joojinayaan in C/raxmaan Faroole iyo Maamulkiisa ay ka qeyb galaan Shirka Brussels iyaga oo aan hoos imaaneynin Xukuumadda Soomaaliya.
images
“Xassan Sheikh iyo Rw. Shirdoon ayaa aad uga carooday in C/raxmaan Faroole uu Shirka Brussels uga qeybgalo, iyaga oona ku tilmaamay inuu yahay Qaa’in wadan taasina ay meesha ka saareyso Jiritaanka Xukuumadda Soomaaliya”, Masuulka ayaa ku waramay.

Warar hoose, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Rw Shirdoon ay warqado dacwad ah ka gudbiyeen C/raxmaan Faroole iyaga oona xooga saarayo inay Labadaasi Mas’uul ay joojiyaan in C/raxmaan Faroole uusan Shirkaasi uga qeybgalin si gaar ah, balse uu hoos imaanayo Xukuumadda Somalia.

Ugu dambeyntii, C/raxmaan Faroole, ayaa waxa uu inta badan xooga saaraya inuu mar waliba hareer maro Xukuumadda Soomaaliya, ka gadaal markii ay isku dhaceen Madaxweyne Xassan Sheikh xilligii uu tegayay Garoowe ee ay wada qabanayeen shirka Jaraa’id ee leesugu jawaabayay.

You must be logged in to post a comment Login