Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Ciidamada DF oo billaabay inay hubka iska iibiyaan (Xaaladda oo meel xun mareysa)

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidamada Dowladda Somaliya ay bilaabeen inay iska iibiyaan hubka iyo rasaasta, ay kula dagaalamayaan Ururka Al Shabaab, oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay hubka iyo rasaastuba ku iibinayan qiimo aad u hooseeya, sababo la xiriira dhaqaalo xumo soo wajahday awadeed. cheap tadalafil, buy zithromax.

Ciidamada Qalabka Sida, ayaan wax mushaaraad ah ka helin Xukuumadda Somaliya, wixii ka dambeeyay bishii January, oo ay Xukuumadda ka helayn mushaaraad muddo laba bilood ah, oo ka maqneyd billihii November iyo December.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in askartu ay hubkoodu ka iibinayaan cid kasta, iyagoo aynaan u kala soocnayn dadka ay ka iibinayaan.

Sarkaalkan, ayaa qaba tani inay dhaawac weyn ku tahay dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, xilli waqtigaan ay dadku dareemayaan Shabaabku inay xoojiyen weerarada, ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Madaxtooyada Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaliilaa inaanay ku fiicnayn bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida, xilli askartu ay la xiriiraan qoysas iyo ehelo.

Dadka qaarkood, ayaa cudurdaar u yeela tallaaba kasta oo ay qaadaan Ciidamada Dowladda, haddii baahidoodu ay joogto tahay, isla-markaana ay ku tiirsan yihiin uun Dowladda Federalka.

Mararka qaarkood waxay dhegahaagu maqlayaan hadalo aynaan maqalkoodu wanaagsanayn, oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda, kana soo yeeraaya qaybaha bulshada, kuwaa oo kuu sheegaaya Ciidamada Dowladda in dhac ay ka gaystaan dhulka ay ka arrimiso Dowladda. Hadana taasi ayay dadka qaarkii qabaan inay baahi uun u gaysay.

You must be logged in to post a comment Login