Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG:- Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Ceelcade ee Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxya ku dagaalameen deegaanka Ceel-cade ee gobalka Gedo, iyadoona halkaasi uu ka dhashay qasaare xoogan.
Dagaalkaan oo saacado socday ayaa qarxay ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay soo weerareen fariisin deegaankaasi ay ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Afar ka mid ah dhinaycada dagaalamay ayaa halkaas ku dhimatay, mana jirto dhaawac halkaasi ka dhashay, waxaana dagaalkaan ka horeyay sida la sheegaayo duqeyn Al-shabaab ay deegaankaasi kusoo bilaabeen.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin dagaaladaan, hase ahaatee ciidamada Al-shabaab ayaa inta badan caadeestay weerarada sidaan oo kale ah.

You must be logged in to post a comment Login