Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG CULUS: indhacade oo sarakiishii ugu badnaa ee Al-shabaab Gurigiisa Ku marti Galiyey “top” Posted on July 29, 2013

Ilo lagu kalson yahay ayaa noo xaqiijiyay in jeneraal yuusuf Maxamed siyaad (Indhacade) oo ka mid ah sarakisha dowladda Soomaliya uu gurigiisa ku marti qaaday sarakiil ka tirsan Al Shabab oo dhawaan laga soo daayay xabsi ay dowladda ku leedahay Muqdisho.

Saraakiisha oo tiradooda lagu qiyasay illaa iyo sagaal sarlaal ayaa ahaa kuwo la socday Sheikh Xasan Daahir Aweys waxaana saraakiisha ku jiro kuwo si wayn looga yaqaano Muqdisho.

Saraakiisha ka tirsan Al shabaab ee lagu arkay guriga jenaraal Indhacade waxaa ka mid ah

1) Maxamed Macalin oo mar afhayen u ahaa Ururkii Xisbul islaam

2) Maxamed Cismaan Caruus oo ahaa afhayenkii howlgalada Xisbul Islaam

3) Abuu xarith sarkaal Magaciisa lagu soo kobay oo ka mid ah dhalinyaro Somaali maraykan ah oo ka barbar dhagalamay Al Shabaab

4) Cabdi fitaax Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay oo dhinaca gashaandhiga xasan dahir u qabishanaa

5) Cali Burco iyo saraakiil kale oo weli Magacyadooda aan la helin kuwaasi oo ay ku jiraan dhalin yaro qurbaha ka timid oo Al Shabaab u dagaalamayay.

Jenaraal Indhacade ayaan wax hadal ah Warbaahinta siin laakin dadka Muqdisho ayaa la yaban sababta uu indhacade hoygiisa ugu marti qaday Saraakiisha shabaabka ah kuwaa oo ay ku jiran kuwo aan weli dowlada gacanta ku dhigin sida Maxamad Cismaan Caruus oo dhawan shaaciyay in uu ka fakaday gacan cadow kadib markii xabsi loo taxaabay sheikh xasan Daahir Aweys

You must be logged in to post a comment Login