Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Madaxda sare ee Maamulka Jubaland ooh al arrin isku haysta

Aug 22, 2015

Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Masuuliyiinta sare ee maamulkaasi ay isku qilaafsan yihiin shaqsiga Madaxweynaha Maamulkaasi ku simaha u ahaan lahaa xiliga uu safarka yahay.

Doorashada maamulkaasi ka hor ayaa waxaa ku simaha Axmed Madoobe ku magacawnaa Madaxweyne kuxigeenka koowad ee Maamulkaasi, waxaana hada tirada kusoo biiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

C/llaahi Ismaaciil Fartaag iyo Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kala ahaa Madaxweyne ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ayaa ku doodaaya in midkood uu yahay ku simaha Madaxweynaha Jubbalan Axmed Madoobe, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isna sheegay in Dastuurka cusub uu qoraayo in ku simaha Madaxweynaha uu isaga yahay.

Dastuurka cusub ee Jubba ayaa qoraya in hal Madaxweyne ku-xigeen uu yeesho maamulka Afarta sano ee soo socota, iyadoo weliba aanu doorasho ku imaaneynin ee uu magacaabayo Madaxweynaha, taasoo dad badani dhaliileen, haddana waxaa soo shaac baxday iyadoo aanay dhammaan mudadii Kumeelgaarka ahayd oo ku eg 28-ka Ogost 2015, lana caleemo saarin in kusime-nimadii laga wareejiyay Madaxweyne ku xigeenadii hore.

Axmed Madoobe oo Safar ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu ku simihiisa ka dhigay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, halka ku xigeenadiisii hore ay go’aankaasi ka carooden isaga oo aan u sheegina ka dhoofay garoonka Kismaayo.

Waxa ay xasarad Siyaasadeed ka dhex abuurtay Masuuliyiinta ugu sareysa, waxaana suuragal ah in qilaafkaani uu sababo kala fogaanshaha Axmed Madoobe iyo Masuuliyiintaasi.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in ku-xigeenkiisa uu ka dhigto Madaxweyne ku-xigeenkii hore C/llaahi Ismaaciil Fartaag, halka Suldaan C/qaadir Lugadheere uu daaqada ka bixi doono.

Tadalis SX without prescription, purchase lioresal.

You must be logged in to post a comment Login