Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog: Soo Nooleynta Xiriirkii M/Puntland iyo Dowladda Soomaaliya

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhawaan ku Guuleystay Qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Puntland ayaa wuxuu ka hadlay Siyaasada Dalka Soomaaliya iyo sida ay Iskula Shaqeyn Karayaan Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay iyo Dowladda Federalka Soomaaliya.

Markii uu Xilka Haayey madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaana jirin Wax Xariir Wanaagsan ah oo ka Dhaxeeyey Maamulka Puntland iyo Dowladda Soomaaliya balse Waxaa arintaasi ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. gaas.

Madaxweynaha Cusub ee maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu Sheegey in ay Qorshayaasiisa ay kamid tahay Dib u Soo Noo Leynta Xiriirkii Halaabay ee ka Dhaxeeyey Dowladda Federalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maamulka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu mar Dowladda Soomaaliya ka Soo Qabtay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo Wuxuuna Sheegey Asigoo la Hadlaayey Qaar kamid ah Warbaahinta in ay Wanaagsan tahay Xiriirka ka Dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulka la Wanaajiyo.

Madaxweynaha Cusub ee maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu Hadalkiisa ku Sii Daray in ay Dhibaatooyin keeni karto oo ay waxbadan Dalka ugu Halaabi Karaan ka Maamul ahaan iyo Dowladdaba Khilaaf ka Dhaxeeyo labadooda.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa horay xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku eedeeyay inay wax ka bedeshay Dastuurka.

You must be logged in to post a comment Login