Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xoogaga Al Shabaab oo goor dhow dagaal culus kula wareegay Degmada Raage Ceele

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay saakay dagaal culus kula wareegen Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii ay ka soo weeraren dhinaca Waqooyi ee Degmada.

Dagaalka, ayaa bilowday 5:30 aroornimo, xilli aynaan feejignaan badan qabin Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Degmadaasi. Shabaabku waxay si buuxdo ula wareegen Bartamaha Degmada.

Mintidiinta Al Shabaab, ayaan gaarin fariisimaha Ciidamada Amisom ay ku lee yihiin duleedka Degmada Raage Ceele, halkaasoo ay Amisom ku lee dahay fariisimo ballaaran.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa la soo sheegayaa in ay wateen toddobo xabo oo gaadiidka dagaalka ah, iyagoona Ciidanka Dowladda ku khasbay inay isaga baxaan Degmadaasi.

Wararka, ayaa intaa ku daraaya in Ciidanka Dowladdu ay u galeen Xerada Ciidamada Amisom ku lee yihiin duleedka Raage Ceele, markii looga soo adkaaday dagaalkii ay la galeen Shabaabka.

Dadka Raage Ceele ku nool oo ku argagaxay dagaalka lagu soo qaaday Degmadooda, ayaa waxaa la soo sheegayaa in intoodu badan ay guryahoodu isaga carareen. Dadku waxay u cararayan goobaha ay is lee yihiin waad ku badbaadi kartaan. Tadacip buy online, clomid reviews.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, xaaladda kacsan iyo Shabaabka oo weli gudaha ugu sugan Degmadaasi. Waxaana adag in macluumaad sax ah laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa 2-dii bishii October waxay bilaa dagaal kula wareegen Degmada Raage Ceele, ka gadaal markii ay isaga baxeen dagaal-yahanada Al Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login