Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xoogaga Amisom oo isaga baxay Deegaanka Leego, saacado ka dib markii ay dib u qabsadeen

Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom oo Axadii dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay dib kaga baxeen.

Xoogaga Al Shabaab oo Jimcihii weerar ballaaran ku galay Deegaanka Lafoole, ayaa waxay si buuxdo kaga eryeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Waxayna weerarkaasi ku dileen in ka badan 70 ka mid ah Ciidanka Burundi ee Amisom ka tirsan.

Lama garanaayo waxa keenay inay Ciidamada Amisom dib u soo baneeyaan Deegaankaasi, ha yeeshee waxaa jira warar sheegaaya in Shabaabku ay soo galeen goobo, aanu sidaasi kaga fogayn Leego.

Ciidanka Amisom ee isaga baxay Leego, ayaa waxaa la socday ciidan kaloo ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliya, kuwaa oo markii horeba gacan ka gaystay dib u qabashada Leego.

cheap nolvadex online, cheap dapoxetine. Saraakiisha Amisom iyo Dowladda, ayaan wax war ihi ka soo saarin tallaabada ay kaga soo gurteen Deegaanka Leego, marka laga soo taggo wararka sheegaaya in Shabaabku soo galeen goobo ku dhow dhow Deegaankaasi.

Leego oo ka tiran Degmada Wanlaweyn, ayaa waxay muhiim u tahay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, si aynaan halis ugu imaan saadka Ciidanka Amisom ee Gobolka Baay.

Saadka iyo sahayda la geeyo Gobolka Baay oo laga soo qaado Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xadka Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay gaarsiiya Ciidamada Burundi iyo Uganda, halka Ciidanka Itoobiya ay iyana u galbiyaan qaybaha Amisom ka joogto Gobolkaasi Baay.

You must be logged in to post a comment Login