Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumada Somaaliya oo ka xun waxaa ka dhacaya Jrisalem

Sep 21, 2015

Xukuumada Soomaaliya ayaa carabowday sida ay uga walaacsan tahay xadgudubka Israel ee xurmada Masjidka Al-aqsa,,waxana ay sheegtay in dhacdooyinka hadda ka socda dhulka Falastiin iyo ku xadgudubka Masjidka Barakeesan ee Al-aqsa inuu yahay mid jabinaya qaanuunka iyo sharciyada caalamka.

Wasaaradda arimaha dibada Soomaliya ayaa si kulul u cambaareysay xooga ay saraakiisha Israel ku galeen Masjidkaasi,weerarka iyo hareereen dadka saalada ku tukada.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in Israel ay qaadi doonto cawaaqib xumada ka dhalata falalka cadowtooynimada ku dheehan.

Wasaaradda Arimaha dibada Soomaaliya ayaa ku celisay in ay diidan tahay siyaasada gumaysiga ah ee Israel ku hayso shacabka Falastiin,waxana ay ka digtay siyaasada fashilan ee Israel ee dilka,xariga iyo baqdin galinta in ay ka dhalan doonaan cawaaqib aan la mahdin doonin lana soo dhaweyn doonin.

Wasaaradda ayaa ugu dambeentii ugu baaqday beesha caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan looso faragaliyo Xadgudubka Israel ee ka dhanka ah Majsidka Al-aqsa.

Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay kamid noqonaysaa wadamo Carbeed oo fara ku tiris ah oo ka hadlay xadgudubka Isreal ee kula dhaqaaqday Masjiaka Barakeysan iyadoo ay wali ka aamusan yihiin wadamo Carbeed oo ka awood badan Soomaaliya. buy clomid online cheap, clomid without prescription.

You must be logged in to post a comment Login