Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay qaaday isbaarooyinka Sh/hoose

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo Maalmihii dambe ay ku sugnaayeen Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa uu sheegay in ay qaadeen inta badan isbaarooyinkii yiilay Gobolkaasi.

Mr Fiqi ayaa tibaaxay in dadaal dheer kadib isaga iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Sh/hoose ay ku guuleysteen qaadista Jid gooyooyinkaasi isagoo ka digay in markale la soo dhigo halkaasi.

“ tallaabo adag ayaan ka qaadeynaa ciddii aynu ku helno in ay dib ugu soo celisay isbaaro meelaha hadda aynu ka sifeynay” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya CabdiXakiin Xaaji Max’ud Fiqi.

Si kastaba dhawaan ayaa wafdi dowladda ay u xil saartay dhameynta xiisado ka taagnaa Gobolka Sh/hoose waxa ay soo afjareen dagaal beeleedkaasi iyadoo muddooyinkii dambena ay isi soo tarayeen Cabashooyinka xoogan ee gaadiidleyda sh/hoose ay kaga xun yihiin dhibaatooyinka ay ku hayaan isbaarooyinka yaalla Gobolkaasi.

You must be logged in to post a comment Login