Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yuusuf Xaaji oo Weerar afka ah ku qaaday MD Xasan & Xildhibaanada BF

Sep 14, 2015

order Intagra online cheap, generic zithromax.

Wasiirkii Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa ka hadlay Siyaasadaha ay dheelayaan Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaanada BF Somalia.

Yuusuf oo ka hadlaayay Mooshinada ka yaala Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xassan iyo BF Somalia isaga oona dhaliilay Siyaasada Madaxtooyada Somalia oo iminka ku jirta jawi is riix-riix ah.

Waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay ahmiyad u aragto in Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somalia ay wada xisaabtamaan si meesha looga saaro guuxa iyo Shakiyada Siyaasadeed ee Dowlada ka dhextaagan.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in lala xisaabtamo Madaxweynaha balse loo baahan yahay in fursado lasiiyo, waxa uuna dhanka kale sheegay in Xasan Sheekh looga baahan yahay in isagana uu fursad siiyo Maamul Goboleedyada dalka.

“Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanayo oo galabka la iska baddalayo, madaxweynaha waa in fursad la siiyaa ,” Ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo ka hadlaayay Xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xassan ayuu ugu baaqay inuu daacad u noqdo shacabkiisa si uu u helo taageero dhanwaliba ah, haddii la waayana uusan arki doonin cid uu maamulo.

Sidoo kale, Dadka Muqdisho iyo Gobolada dalka ku nool ayuu ku booriyay inay la tacaalaan dib usoo kabashada Somalia oo lagu gaari karo midnimo iyo kala danbey iyo in la adeeco Madaxda Qaranka.

Dhanka kale, waxa uu ku celcelshay inuu aad u dhaliilsan yahay Siyaasada DF Somalia oo u muuqata mid lagu cuuryaaminaayo Umadda Soomaaliyeed.

 

You must be logged in to post a comment Login